Welcome To My Homepage

nasar yassin and chine diini well come learning the computer in somali language What's New Catalog Blog My Files Welcome To My Homepage My Photos

Barashada Aalada Computerka

Listing Site Updates

HORDHAC:

computer barashadiisi  oo dhan  halkan kuma dhama  ee  waa inta ugu muhiimsan oo kaliyah 

waxaa xaqiiqo ah oo marnaba la inkiri karayn doorka muhiimka ah ee uu  computer-ku  maanta ka qaato  dhaqdhaqaaqa kala duwan ee bulshada caalamka.    Hadii  aad  tahay   Arday,  Macalin ,  Ganacsade , Dhakhtar ,Wariye,  amase xirfadle kale waxa uu coputerku si toos ah ama si dadban saamayn  ugu yeelan  karaa hawlahaaga.  Qofka  ku  nool dalalka  cilmiga ugu hore maray,  waxaa computer-ka  kulmaan  maalin kasta,  maxaa  yeelay  shaqada,  waxbarashada  iyo ganacsigaba  waxaa lagu saleeyay  isticmaalka   computer-ka .

       Casrigan wuxuu u qalmaa in layidhaahdo      (  Casrigii  Computerada ) 

 

Qore; Mohamed Hiirey 

 

WAA MAXAY  COMPUTER?

 

                                          

Waxaa  laga  yaaba in uusan erayga  computer  kugu cusbayn  hase  ahaate  waxaa  dhici karta  in  aadan  aqoon  badan u lahayn ama   aad ka  haysatid  aragti  aan  ahayn  micnihiisa dhabta  ah.

 

Dad  badan  ayaa  u haysta  in  uu  computer-ku  yahay  aalad wax  lagu  qorto  oo kaliya,  qaar  kale  ayaa  iyaguna  cuqdad  ka  qaba  oo  u yaqaana  jaasuus wax walba la socda,   kuwo  kale  ayaa ku  xad  gudbay  oo noloshooda oo dhan ku xiray. 

Hadaba waxa  aynu marka ugu horeesa  isla  eegaynaa waxa  uu yahay computer.

 

Computer waa  aalad ku  shaqaysa quwada  krontada ( electronic ) oo awood u leh in ay  xogta  aqbasho ( input ),   shaandhayso ( process ),  kaydiso ( store ),   isla marakaasna soo  bandhigo  natiijada ( output )ama  fuliso  hawsha  loo  diray,  iyada  oo  raacaysa  hadba  tilmaamaha  la siiyay.

 

Dhismaha  computerka  waxa  uu ka kooban yahay qayb qalab ah ( hardware )  iyo  qayb barnaaijyo ah ( software).  Qalabka  ugu  muhiimsan  dhismaha computerka  waxaa ka mid ah  furaha xarfaha ( keyboard ),    maskaxda ( CPU ),   xusuus  hayaha RAM,  muraayada ( monitor ),  hagaha ( mouse ),  madbacada  ( printer ),   iyo  aaladaha  kaydinta   (  storage devices ).                            Barnaamijyadu waa shidaalka  ka shaqaysiinaya  qalabka  combuterka  Guud ahaan waxaa barnaamijyada loo kala  saaraa  laba nooc :  kuwo hagida computerka  qaabilsan  ( system software ) iyo  kuwo  qabsado hawlaha kala duwan  ee  bulshada  ( application softwaRE ).

Qalabka  computerka  (  Hardware ).

In kasta oo  dhismaha  computeradu  uu kala  duwanaan karo  haddana  qalabka  compute-rada  waxaa  aasaas  u ah  afarta  xubnood  ee  soo  socda..

  • Aaladaha  wargalinta ( Input Devices ), oo  ah  Qalabka  aqbala xoghta isla markaasna  u  gudbiya  Maskaxda  computr-ka  (  Processing  Unit )  si  loo  shaandheeyo.   Aaladahan  waxaa  ka mid ah fure  xarfo ( keyboard )   iyo  hage   ( mouse ).

 

  • Maskaxda  computer-ka  CPU (Central Processing  Unit ), Waxa ay ka samaysan tahay isku-dhis  mareeg ah ( circuit ) oo  awood u leh  shaandhaynta xogta ,  iyada oo  raacaysa  tilmaamaha  lka siiyey.      Qaybtan  waxaa  si  joogto ah ula  shaqeeyay  xusuus-hayaha   RAM  (  Random  Access  Memory ).  RAM  waxa  uu si  ku  meel  gaar  ah u  meeleeyaa  hadba  xogta,   barnaamijyada iyo  tilmaamaha  kale ee ay Maskaxdu  computerku  u baahan tahay.

 

  • Aaaladaha  war  celinta ( output  Devicess )  oo  ah  qalabka  soo  bandhiga  natiijada  ama warka ( information )  ka dhasha  shaandhaynta iyo lafa gurida  xogta.  Aaladahan  waxaa ka mid  ah  muraayada muqaalka  ( Display  Monitor )  iyo  madbadaha  computerka  ( printers )

 

  • Aaladaha  Kaydinta ( Secondary  Storage  Devices ),   oo ah qalabka sida joogtada ah u kaydiya  xogta  iyo barnaamijyada  computerka  Aaladahan  waxaa  ka mid  ah  Suxuunta  iyo cajaladaha  Birlabta leh    ( Magnetic  Disk & Tapes )

 

  • Barnaamijyada   computerka (  software )   oo uu  hadafkoodu yahay in ay xalliyaan baahida cidda  adeegsanaysa  ( users ),  Isticmaalkaas  waxaa  uu  noqon  karaa  qoraal,  xisaabaad, diinwaangalin, ciyaaro,  IWM.  Barnaamijyada  noocaan  ahi  waxaa ay  ku yimaadaan  lab hab :  kuwo si  gaar ah loogu  soo diyaariyay  hay,ad  ama shakhsi ( customized  software )  ama  kuwo  loo  soo  nakhshadeeyay  in  ay  daboolaan baahi  Guud ( read-made  or packaged software )  sida  qoraalkja  (  word  processing ) xisaabaadka ( spread sheet )  diinwaangalinta ( datebase ) iyo kuwo isku dhafan ( integrated ).
  •            Xuusuus haynta computerka ( Memory )   Shaqada computerka waxaa door wayn ka ciyaara qaybta xusuus haynta memory , oo ka kooban RAM ( Random Access Memory ) iyo ROM ( Read Only Memory )
  • Xusuu hayaha RAM  waa mareeg ku rakiban Ubucda computerka ( motherboard ) oo si toos ah  ula shaqaysa Maskaxda ( CPU ) RAM   waa goobta shaqada  ee uu computerku isticmaalo markatsa oo hawl loo diro, iyada oo si ku meel gaar ah loogu soo rarayo barnaamijyada iyo xogta uu computerku shaqadiisa uga baahan yahay. RAM axa uu door wayn ka qaata dhakhsaha computerka,  Computer kasta wuu ka dhakhso badan yahay midka uu kaga baaxad weyn yahay dhinaca xusuu hayaha RAM. hadii ay ka sima yihiin nooca iyo xawaaraha

   World  Wide  Web  (WWW)

 

Xogta  qulqulaysa  silsilada internet waxa  ay kor u dhaafaysaa  2 milyan  oo  dokumenti.  Run ahaantii waxaa  aad u adag sida lagu soo saari karo warka  uu qofku u baahan yahay silsilada.  Hawshaas waxaa  fududeeya barnaamijka lo yaqaan  World Wide  Web.

World Wide Web  waa  dhisme ka kooban  dokumentiyo isku ujeedo ah  oo uu midba  kan kale ku xiran yahay (hyperlink or Hybertext). waxaa  dhici karta  in aysan dokumentiyadu ku sugnayn  hal computer balse ay u qaybsan yihiin  combuterada caalaamka,  Dokumenti kasta waxa uu  computerka  kaga jiraa boos lagu magacaabo WebSite  oo leh aqoonsi iyo cinwaan u gaar ah sida  http://www.pc.ibm.com .

 Akhrinta iyo lasoo bixida dokumentiyada waxaa loo adeegsada barnaamij la yiraahdo Web browser  marka hore waxa aad qoraysaa  cinwaanka booska ( website addres ) aad doonaysid ka dibna  barnaamijka (web browser)  ayaa samaynaya  xiriirinta isaga  oo  bilawga hore kuu soo  bandhigaya  hor dhac loo yaqaan  Home Bgae.

 

    Maskaxda  combuter-ka ( Central  Processing  Unit , CPU )

 

Computer kasta waxa uu leeyahay maskax ku shaqaysa baaqyo u gaar ah (codes), kuwaas oo go,aamiya barnaamijyada uu computerku socodsiinkaro. waxaa dhicikarta in barnaamij uusan isku qaab ugu shaqayn karin laba maskax oo kala qoys ah ( diffrent microprocessor families). Noocayda maskaxda ee is qaadan kara ( compatible) waxaa lagu tilmaamaa in  ay isku qoys yihiin. Tusaale ahaan ;  nooca 486 ee shirkada intel waxa uu isticmaali karaa barnaamijyada ku shaqayn jirey nooca ka horeeyay ee 386;  Hase ahaate isma qaadan karaan barnaamijyada isticmaala maskaxda ay soo saarto shirkada motorola.

 

Maskaxda shaandhaynteeda  ( CPU ) waa  meesha ugu horaysa ee laga  eego dhakhsaha iyo  waxqabadka  combuterka Maskaxda waxaa lagu xulan karaa laba qodob oo kala ah

  1. Tirada  qurubyada xogta  (number of bits) ee  ay hal mar shaandhayn kart (extrenal interface)
  2. iyo xawaaraha saacada (clock speed) oo u taagan inta  meerto ama  shaqo (cycles) ee ay maskaxdu fulin karto hal ilbiriqsi  Xawaaraha  saacada waxaa hage u ah MHz  oo u dhiganta  hal milyan oo meerto ilbiriqsigiiba  combuterada  qaarkood  waxa  ay awood u leeyihiin in laba-laabo  xawaaraha  saacada ( clock doubled ).

Maskaxda  computerada  Bahda  IBM waxa sida  badan soo saara  shirkada INTEL. noocii ugu horeeyay  waxa  uu ahaa intel 8088, hase ahaate 1984kii ayaa waxaa soo baxay nooca intel 80286 ( 286 ). Markaas  ka dib waxaa si taxane ah loo soo saaray intel 80386 ( 386 ),  intel 80486 ( 486 ),  iyo  nooca  casriga ah ee loo yaqaan pentium oo awood u leh in uu  markiiba shaandheeyo laba tilmaamood ( two instructions at once ).

Markii ay shirkada IBM bilawday samaynta computer-rada  yar yar  sanadkii 1981dii waxa ay qandaraas ku siisay shirkada intel samaynta maskaxda computeka ( microprocessor), sidoo kale waxa ay kula heshiseey shirkada microsoft  diyaarinta barnaamujiyada maamulka  (operating sysytem). Maslaxda qoyska intel waxa ku shaqeeye computerada bahda IBM . Maskaxda qoyska inel waxa uu ku bilawday nooca 8088, ka dibna waxaa ku xigsaday noocyada 8086, 80286, 80386SX ´,80386DX, 486S , 8048DX laba laabka 80486 ( clock doubled ) ilaa iyo nooca maanta la joogo ee Pentium.

Computerada  Macintosh  ee  shirkada Apple waxaa maskaxdooda sameeya  shirkada  MOTOROLA. sidoo kale ,  wwaxaa iyaguna  la siiyey lambarada 68000,  68020,  iyo  68040.   Shirkadaha MOTOROLA,  Apple  iyo  IBM  waxa ay dhawaan si wadajir ah  cimputer-rada  Macintosh  ugu soo saareen  maskax loo yaqaan  Power PC.  taas  oo leh lambarro ah  601,603,604

Akhriste waxba adiga oo  aan ku wareerin  lambarada la siiyey Maskaxda,  waxa aad qaacido ahaan  ogaataa  oo kaliyeh  in lambar kasta uu ka xawaare badan yahay midkii ka horeeyay.  Tusaale ahaan, maskaxda intel 386 way ka dhakhso badan tahay tan intel 286;  Pentium  waa ka dheereeyaa 286,386, iyo 486   Computer-rada Macintosh  waxa ay maanta  ku shaqeeyaan  68040 iyo powerPC.

Maskaxda  intel ee 80486  iyo kuwii ka horeeyay,  waxa ay sida  badan ku yimaadaan laba nakhshadood:  DX iyo SX , sida 386DX,  486SX,  iwm.  Nakhshada DX ayaa horaysa dhinaca  dhakhsaha ( wixii faahfaahin ah la soo xidhiidh Mohamed Abdi Gaas )

 

La soo xidhiidh Mahamed Hiirey halkan...              
 Soo booqo markata asxaabtana usheeg webkan 
C
ontact  here by Mohamed Gaas

naleye_07@hotmail.com

junaydi114@gmail.com                         soo dir e-mail

 

 

Xagee  baad ka  iibasan kartaa  Computer

Hadii  aad  doonaysid adeeg fiican ( service & ssuport )  iyo  magdhaw ( warranty )  waxa  aad la macaamiishaa dukaamada ka ganacsada  computerada iyo qalabka la xiiira ( dealers ) kuwaas oo gacan saar la leh shirkadaha soo saara computerada  iyo madbacadaha.  Inkasta oo  ay u baahan yihiin in  aad  kharasha badan iyo jeebkaaga  oo buuxa,   hadana  waxaa  aad helaysaa  cillad  bixin  iyo magdhaw  muddo dheer ah  2 ilaa 3 sano.  Hadiise aadan u  baahnayn  adeeg heer sare ah  waxaa dhici karta  in  aad  heshid mid  qiime  ahaan  ka jaban  kan dukaamada combuter-ka.

 ( Ila Tali Walaal.. )

 Dad badan baa marka ay computer baayacayaan  ka fekera  jeebka oo kaliya  aan  marnaba is weydiin waxaa uu ku qabsan karo  computer-ka  in la casriyeen karo ( upgradeble ), iyo  cilladaha uu yeelan karo.                         

Talada waxaa aan ku soo uruurinaya     sidan.......

1.     Si faahfaahsan  u  qeex  baahida  kugu kallifaysa in aad computer  iibsatid, adiga oo tixgalinaya dadka kula isticmaali doona  computer-ka .

 2.  Baaritaan  fiican ku samee barnaanijyada aad isticmaali  doontid  iyo qalabka  computer-ka  ee ay  ku shaqayn karaan .

3.      Si  kasta  xaaladu ha noqotee,  waxaa  aad  iibsataa  computer   aan ka  hoosayn  486DX,   xawaarihiisuna  ussan ka yarayn 100 MHZ .    Hadii  aad  qorshaynaysid in  aad   isticmaashid  barnaamijyada nakhshad samaynta ( drawing ) ama garaafyada ( graphics )  waa in  uu computerku  leeyahay  kaaliye xisaabta ah ( co-processor ) 

4.    Xusuus-hayaha  RAM  waxaa  fiican in  uusan ka yarayn  MB.   Waxaa  kale oo haboon  in  xusuus-hayaha  la casriyeen karo  mustaqbalka oo la gaarsiin karo ilaa 32 MB.

5.          Mugga kayd hayaha  wayn ( hard disk ) waa in  uusan ka yaraan  500MB.    waxaa  aanse soo jeedin  lahaa mid  ah ilaa  1GB ( gigabyte ) .  Dhinaca  wadayaasha  suxuunta yar yar ( flopy drivers ) ,   waxaa  haboon in  uu computerku   leeyahay   labada  noocba  3.5 & 5.25       Hase ahaate  hadii ay  mid noqonayso ,   waxaa    aan kugula  talin lahaa nooca  3.5  .

6.        Wadaha saxanka  Ma-doorsoomaha ah  ( CD-ROM  DRIVE)   waa in uusan  xawaarihiisu ka hoosayn  6X ( 900 kilobytes  per second ).   

7.        Hadii aad  computerka  isgaarsiin  ahaan uga  faa,idaysanaysid  iibso  xiriiriye   ( MODEM  or   FAX MODEM )  oo  xawaarihiisu  yahay  28.8K     ama    3K          ama  wax ka sareeya .

 8.   Markast la tasho  cid kugu dhaanta  cilmiga computer-ka. www.chinefaithweb.com

 

Notifying Visitors of Site Enhancements

Another idea for my home page's text is notifying visitors about the enhancements I put on my site. For example, I want visitors to sign my guestbook or fill out my survey Form E-mailer to answer questions about my site, my business, or my site's topic.

Need some extra help building your site? Here are some topics that may be helpful.

Customizing and Personalizing My Site

I might not want a large amount of text on my home page if I want to guide visitors toward my other pages. Instead of text, I can add photos or interesting links. One of the first things I would want to do is choose a template that reflects what my site is all about. Colors and themes are a great way to reinforce the message and purpose of my site.

Behind the Scenes of My Home Page

Even if I don't put much text on my home page, it's a good idea to include hidden tools that will help me promote my site, so people other than my friends and family actually see it. For example, I could add meta tags, which are hidden codes that allow search engines to find my site. I could also install stats and a counter so I know how many people are visiting. If not many are visiting, submitting my site to search engines will guide more traffic to my site.
<marquee> hi chine as/c walaalyasha muslimta ah ku soo dhawada gacmo furran websiteka chine </marquee>